Intii ka dambaysay heshiiskii ONLF iyo Itoobiya dhex-maray 21 Oktoober 2018, waxaan siyaabo kala duwan isu maqalnay xubno ururka ka tirsan iyo dad shacab ah oo Soomaalida Ogaadeenya u dhashay. Qaarkood shirar iyo hawlo jabhadeed ayaan ku kulanay, qaar kalana is-gaadhsiinta ayaa ku xidhiidhnay.

Waxay dhammaantood ka midaysnaayeen xiisaha ay xiisaynayaan inay heshiiska wax ka ogaadaan, isla markaana ay hubiyaan in heshiisku aanuu gabood-fal ku ahayn aayaha ummada ee muddada dheer loo soo halgamayay.

Dareenka noocan ahi wuxuu aad ugu badan yahay xubnaha ururka. Mar kastoo si dhab ah “genuine” la ii waydiiyo su’aal midaaraysa walwal laga qabo aayaha shacabkana aad ayaan ugu raaxaystaa, waxaanan ogaadaa in qadiyada Ogaadeenya ay leedahay wiilal iyo gabdho gaadhka ka haya oo ilaashanaya, kuwaasoo haddii hoggaaminta ONLF ay il-duufto ama gaf ka gasho halganka, waajibkooda gudanaya.

In fil (jiil) noocaas u fakarayo uu abuurmo waa mid ka mid ah ujeeddooyinkii ay ONLF u halgamaysay.
Su’aalaha dhagahayga soo gaadhay waxaa ka mid ah mid aan aad ula yaabay, balse aan ku qasbanahay inaan faahfaahin dheeraad ah ka bixiyo, si faham darradu meesha uga baxdo.

Su’aashu waxay ahayd sidan; “Ogaadeenya ha xorowdo ma dhihi karnaa?” Waxaa loola jeedaa, kol haddii heshiis lala galay Itoobiya maxaan ka beddalaynaa qaab-dhaqankayaga.

Odhaahda kor ku xusan waxaa inta badan la adeegsadaa marka hadalka la billaabayo ama la dhammaynayo, waxaana loo adeegsadaa si dadka dareenkooda loo soo jiito, isla markaana loo sii adkeeyo ballankii la wada-galay.

Heshiiska ay labada dhinac wada-galeen ma aha mid dhammaystiran oo xaqiijinaya himiladii shacabka ee waa is-afgarad u gogol-xaadhaya inay labada dhinac sii wadaan dadaalka lagu raadinayo sidii xal waara oo caadil ah loogu heli lahaa dhibaatada Ogaadeenya.

Taasi waxay ka dhigan tahay in Ogaadeenya ayna wali xor ahayn. Kol haddii ay sidaas tahayna waxaa hubaal ah in halganku uu sii soconayo. Qaabka uu u soconaya waa mid ku xidhan duruufaha halganka ku xeeran iyo marxaladaha uu dhex-xulayo, iyo hannaanka loo arko in lagu higsan karo hilinka loo socdo.

ONLF waxaa loo asaasay inay hoggaamiso halgan ay go’aan qaadashadiisa u madaxbannaan yihiin dadwaynaha Ogaadeenya oo lagu raadinayo aaya-ka-tashiga shacbiga Ogaadeenya.

Xilkaas ayay ONLF isu xilqaantay, dadkeeduna ay ku taageereen oo naf iyo maalba ugu hureen. Ma filayo inuu jiro wax kale oo ONLF ay ku mutaysatay taageerada niyadda ah ee shacabka Soomaalida Ogaadeenya.

Sidaas darteed suuragal ma aha in ONLF ay ka soka-dhacdo doonista shacabkeeda, sababtoo ah taasi waxay ONLF uga dhigan tahay “geeri ama nolol mid dooro”, marka laga soo tego aaminsanaanta mabaadii’da xornimo doonka.

W/Q Madaxa arimaha Dibadda ONLF Ahmed Yasin.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay