In kabadan 200 xabaal wadareedyo ah oo ay ku aasan yihiin kumanaan qof ayaa laga helay deeganno ay maamuli jireen kooxdii Daacish gudaha dalka Ciraaq.

Sida lagu sheegay baadhitanno Qaramada Midoobay ay sameysay bilihii lasoo dhaafay ayaa lagu xaqiijiyay in la helo xabaalo dad badan ay ku aasan yihiin gudaha dalka Ciraaq. Xabaal wadareedyada ayaa laga helay waqooyiga iyo galbeedka dalka Ciraaq gaar ahaan gobollada Nineveh, Kirkuk, Salaaxddiin iyo Anbaar.

Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in xabaalaha lagu aasaay 12,000 (labo iyo toban kun) oo maydad dad lagu xasuuqay dalka Ciraaq ah. Warbixintan ayaa lagu sheegay in ay wali socdaan baadhitaano kale oo lagu baai goobayo bal inay jiraan xabaal wadareedyo kale iyo inkale.

Kooxda isku magacaawday Dowladda Islaamka waxay qabsatay deegaanno badan oo ku yaalla Ciraaq sannadkii 2014-kii halkaas oo ay kusoo roggeen shuruuc adag isla markaasna ay dilaayaan qof kasta oo kasoo horjeedsada nidaamkooda.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay