Maanta oo Khamiis ahayd taariikhduna ay kubeegantahay 8/11/18 waxaa xerada qoxootiga Xagardheere ee Deegaanka Faafi lagu qabtay munaasabad ciyaal agoon ah lagu siiyay deeq lacageed.

Gole halgameedka Calanside oo ay kujiraan xubno badan ka katirsan xerta JWXO ayaa agoonta ree Ogadenia ee kudhaqan xerada Xagardheere ugu deeqay lacag cadaan ah oo wax badan utari doonta.

Agoontan oo ahaa kuwii waalidiintooda kuwaayay halgankii dheeraa ee lagu xoraynayay wadanka Ogadenia ayaa umahad celiyay dhalinta Golaha Calanside ee lacagta soogaadhsiisay.

Sidoo kale dhalinta Golaha Calanside ayaa sheegay in ay Xeryaha kale ee qoxootiga gaadhsiin doonaan lacag ay agoonta ugu talagaleen.

Xeryaha qoxootiga ee Dhadhaab iyo Faafi waxaa kudhaqan agoon aad ubadan oo ree Ogadenia ah, kuwaas oo dadka Soomaalida Ogadenia ee ilaahay waxsiiyay uga baahan daryeel, maadaama oo aabayowgood ay ushihiideen dan guud.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay