Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraatiga oo ay gacan siinayaan ciidamada taageersan dowlada Yemen ayaa sheegay inay guulo ka gaadheen dagaalka xoogan ee ka socda nawaaxiga magaalada xeebta saaran ee Xudeydah.

Dagaalkan oo sii xoogeystay todobaadkii lasoo dhaafay kadib markii ciidamada xulafada Sacuudiga ay askar gaareysa 10-kun ay ku xoojiyeen dagaalkaasi, kuwaasi oo la sheegay inay ku jiraan ciidamo cusub oo laga keenay dalka Sudan.

In ka badan 200 dagaalyahan ayaa la rumeysan yahay inay ku dhinteen dagaalada dhacay maalmihii lasoo dhaafay, iyadoo xuuthiyiinta qireen in laga saaray qeybo kamid ah dhufeysyadii ay ku lahaayeen duleedka magaaladaasi ay ku taal dekkada ugu weyn dalka Yemen. Xulafada Sacuudiga ayaa gacanta ku dhigay wadada 50aad oo tagta bartamaha magaalada Xudeydah arrintan oo u ah guul militari iyagoona hada faras-magaalaha u jira 5km.

Hogaamiyaha Xuuthiyiinta Yemen Cabdulmalik Al Xuthi oo arbacadii telefishinka kasoo muuqday ayaa sheegay in ciidamadiisa aysan marnaba isu dhiibi doonin xulafada Sacuudiga, isagoona sheegay inay sii wadi doonaan dagaalka xataa hadii laga qabsado qeybo kamid ah dhulka ay hada gacanta ku hayaan.

Diyaaradaha dagaalka ee Sacuudiga ayaa weli duqeyn xoog leh ku wada magaalada Xudeydah iyagoo khasaaro ba’an u geystay qeybo kamid ah xarumaha caafimaadka oo ay waxyeelo kasoo gaadhay duqeyntan.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay