Weerarkan ayaa shalay ka dhacay magaalada Thousand Oaks ee gobalka California, waxaana geystay nin horey uga soo mid ahaan jiray askarta ciidamada Marineska ee dalka Maraykanka.

Ninkan oo lagu magacaabo Ian David Long ayaa weerarka la beegsaday baar ay ku caweeyaan ardayda jaamacadaha dhigta, wuxuuna rasaas la beegsaday dadkii goobtaasi ku sugnaa isagoo sidoo kale la dagaalamay ciidamada booliiska oo goobtaasi gaadhay.

Mid kamid ah askarta booliiska magaaladaasi ayaa kamid ah dadka weerarkan ku dhintay kadib markii ay rasaas isweydaarsadeen ninka weerarka geystay. Gacan-ku-dhiiglaha ayaa markii danbe gacantiisa isku dilay kahor inta aysan goobta soo gaadhin ciidamo gurmad ah.

Booliiska ayaa sheegay inay baadhitaan wadaan oo ay doonayaan inay ogaadaan sababta ka danbeysa weerarkan oo markale dalkaasi ka dhaliyey dooda la xidhiidha hubka gacanta ugu jira shacabka. Waxaa la xaqiijiyey in bilo kahor isla ninkan weerarka geystay ay kasoo dacwoodeen dariskiisa, isla markaana lagu sameeyey baadhitaan la xariira dhinaca dhimirka iyadoo la sheegay inuu xiligaasi caafimaad qabay.

Dalka Maraykanka ayey sanad walba ku dhintaan askar badan oo horey uga soo qeyb qaatay dagaalada Maraykanka ka wado caalamka kuwaasi oo intooda badan la xanuunsan cudurka dhimirka ayaa la sheegaa inaysan caafimaad ku filan ka helin dowladooda.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay