Waxa Barnaamijka Ilays ku soo biiray Barnaamijkii oo si toos ah Khadka internetka looga daawan doono kadib markay Bulshada Ku taxneyd ay codsiyo badan usoo gudbiyeen bahda ilays TV.

Waxa barnaamijka ilays TV aad si toos ah ugala socotaan TV-ga Caalamiga ah ee Eritrean TV kaas oo Maalmaha Arbacada ah aad ka daawataan Sateliteka Nile Sat saacada 6:00 galabnimo ee Geeska Afrika.

Haddaba waxa Barnaamijka Ilays TV kusoo biiray TV aad si Live ah uga daawan doontaan khada Internetka iyada oo websideyo badan oo uu kamid yahay

Ogaden News Agency aad ka fiirsan doontaan.

Waxa barnaamijka uu si rasmi ah u bilaaban doona Habeenka Arbacada ah oo Barito ah 7 PM ee saacada Lonodon. Taariikhda 18/04/2012.

Waxa kale oo habeen kasta oo Arbaca ah iyo Sabti ah saacada 7 Fiidnimo aad daawan doontaan barnaamijyo toos ah.

Iyada oo dhowaan aad si toos ah aad ugaga qeyb qaadan doontaan khadka Telefanka iyo siyaabo badan oo kaleba.

Barnaamijka barito ayaa waxa lagu furi doonaa wareysi qiimi badan oo Gudoomiyaha Jabhada Wadaniga Xoreynta ay wariyaasha ilays idiinka soo diyaariyeen.

hadaba ha moogan wareysiga Gudoomiyaha iyo waliba waxyaalo kale oo xiiso badan. Hoosna ka daawo faah faahinta oo dheeri ah oo filim ah.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay