Waxaa shalay lasoo gabagabeeyay shir sadex geesood ahaa oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday magaalada Bahar Dar ee caasimada ismaamulka Xabshida Ethopia.

Shirkan ayaa waxaa ka qaygalay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Shirkan ayaa waxaa looga hadlay isbedeladii kala duwanaa ee ka dhacay wadamada Geeska Africa, heshiisyadii kala duwanaa ee dhex maray wadamada ayaa sidoo kale lagu sameeyay dib u eegis, hogaamiyayaashu waxay isla gorfeeyeen marxalada cusub ee wadamada Geeska Africa wajahayaan.

Masuuliintan ayaa waxay isla garteen muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo madax banaanida dhuleed iyo mida siyaasadeed ee Soomaaliya, waxayna muujiyeen taageeradooda adag ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed iyo hey’adaheeda la garab taagan yihiin, waxay kaloo ammaaneen dadaalka dowladda ugu jirto soo celinta nabadgelyad iyo xasiloonida.

Dadka arimaha Geeska Africa falanqeeya ayaa iswaydiinaya ujeedooyinka dhabta ah ee ka dambaeeya kulankan marka laga yimaado waxyaabihii lagu xusay war murtigeedkii ay sida wada jirka ah masuuliintu ugu dhawaaqeen? Khubaro badan oo arimahan ka faalooda ayaa aaminsan in waxyaabo badan oo qarsoon ay jiraan balse la ogaan doono wakhti ku haboon hadii uu ilaahay yiraahdo.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay