Waxaa  xalay  lagu qabtay Magaalada Toronto caasimada Gobalka Ontario  munaasabad si heer sara ah loo soo   agaasimay ,soona qaban qaabiyay Ururka midowga dhalinyarada Soomaalida Ogadenia (OYSU) Qeybtiisa Ontario.

Munaasabadan  oo ahay   mid loogu magacdaray”Ha midoobaan walaalihii kala maqnaa” ayaa  waxaa ka soo qeybgalay  bulshada qeybaheeda kala duwan  Sida  dhamaan  fanaaniin,Abwaanada, aqoonyahay  iyo ururada bulshada  soomaaliyeed  ee ku dhaqan Magaalada Toronto iyo nawaaxigeeda.

Xaflada ayaa  laga jeediyay  khudbado  taabtay dareenka  ka soo qeybgalayaasha shirka oon inta badan ku qotontay  midnimada iyo  guusha lagu  gaadho , sidoo kale  waxaa halkaas si talan taali ah loogu soo bandhigay  sugaanta qeybaheeda kala  duwan isuna jiibinayeen Faanaanta Somaaliyeed iyo  ka soo qeybgalayaasha  Shirka,Shirkan oo bilooday  8:00pm ayaa  guul iyo far xad ku soo dhamaaday 2:00AM.

ONA/ Toronto.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay