Marka aad bilawdo inaad raadiso Malabka waxaad udiyaar garawdaa qaniin yada shinida kaasi waa ciwaanka maqaalkayga maanta oo aan rabo inaan diiradu ku saaro marka aad xoriyad raadin hayso in loo baahan yahay inaad u diyaar garawdo qaniinyo kaagaga timaada cadawga iyo waliba kuwa kamid ah dadkaaga oo cadawga u shaqeeya.

Halganka dheer ee uu shacabkeenu ku raadin hayo xoriyadiisa wuxuu soo maray marxalada kala duwan oo aanaan qoraal kusoo koobi karin waxaana u baahanahay marxaladihii ina soo maray oo dhan inaan cashir ka qaadano horayna aan uga sii gudubno.

Tani intii ay heshiiska taariikhiga ah kala sixiixdeen jabhada ONLF iyo dawlada Itoobiya waxaad moodaa in dadka qaar ay su’aalo badan is waydiin hayaan kuwaasi oo ku saabsan mabaadiidii ururka ONLF ee xoriyada Ogaadeniya inuu wax iska badalay, ururka ONLF wuxuu wali ku jiraa halgankii uu ku raadin hayay xoriyada Ogaadeniya waxaana maalin maalmaha kamida ku rajo wayn yahay inuu shacabka soomaaliyeed ee gumaysiga ku hoos jira gaadhi doono xoriyadiisa.

Marka wadan la gumaysto uu ku yimaado isbadal dhinaca siyaasada ah waxaa dhasha jahwareer siyaasi ah kaasi oo saamayn ku yeesha bulshada la gumaysto tusaale markii dad la cabudhin jiray lagu dhaho waxaa tihiin dad hadli kara waxaa dhacda badanaa in la helo kooxo si xun u isticmaalada xoriyada hadalka ee la helay, ayagoo laga yaabo inay u isticmaalaan kicinta bulshada walaalo ah ee wada dagan wax yaalaha ugu badan ee ay isticmaalaana waa ayagoo kusoo gabada hayb hayb iyo qabiil inagoo og maanta dunida aan joogno heerka ay marayso.

Aniga oo hadalka dheereeyay waxaan ugu baaqayaa shacabka soomaaliyeed ee Ogaadeniya inay ka digtoonaadaan qaniinyada iyo kooxaha fitno wadayaasha ah ee aan ka talin haynin danta shacabkeena.

Maanta waxaan u baahanahay aana uga faa iidaysan karo isbadalka Itoobiya waa inaan midayno shacabkeena sidoo kale aan u raadsano xoriyadeenii si wada jir ah.

Marka aan u dhaqaaqnay raadin xoriyada waxaan la kulmaynaa wax yaalo badan oo inaga hor imaada waxaase loo baahan yahay inaan niyada ku hayno waxaan raadin hayno inuu yahay sida Shinida ku qaniinta markaad malabka guran hayso oo kale.

W/Q. Faysal Abdulaahi Hassan.o
Wariye Faysal Shilaabo.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay