Wararka haatan nasoo gaadhaya ayaa waxay sheegayaan in xadka wadanka Itoobiya iyo Sudan laga soo qabtay saraakiila sar sare oo kamid ahaa kuwii wadanka gacanta ku hayay 20 sano ee lasoo dhaafay saraakiishan ayaa waxaa kamid ahaa General Kinfe Dagnew ahaana madaxii hore ee Metec shirkadaas oo gabi ahaan shaqada laga joojiyay.

waxaa kale oo kamid ah Saraakiisha xabsiga loo taxaabay Tekleberham Wadeargey oo asna kamid aha saraakiishii wadanka xukumi jirtay.

waxaa kasocda wali wadanka Itoobiya xidh xidhka saraakiishii TPLF ee isku dayay inay hor istaagaan isbadalka guud ee ka socda Itoobiya.

Sida aan wararkaa nagii hore idiin ku sheeg nayba waxaa Maxkamad kutaalada magaalada Adiss Ababa la horkeenay saraakiil ciidan oo aad u badan kuwaas oo lagusoo eedeeyay danbiyo kala duwan.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay