April 16, 2012

Shirweynihii Jaaliyaadka Ogaadeenya ee Pacifica  intii u dhaxaysay 15-16 April 2012 ka socday Magaalada Perth ee Galbeedka Australia, waxaana ka soo qaybgalay bulshada qaybaheeda kala dun sida Hooyooyinka, Dhalinta, Odayaasha, Aqoonyanka, waxaa sidoo kale ka soo qaybgalay bulshada Soomaaliyeed ee aan walaalaha nahay. Waxaa shirka yimid Jaaliyaadka Ogaadeenya ee Pacifica sida Jaaliyadda Ogaadeenya ee Gobalka Victoria Melbourne, Gobalka Queensland Brisbane,   Gobalka New South Wales Sydney, Wadanka New Zealand, & Jaaliyadii martida loo ahaa ee Gobalka Western  Australia Perth.

Shirkan oo socday 2 malmood ahaana mid marar kala duwan laqabtay ayaa diirada lagu saaray laguna falanqeeyay qodobadan.

  1. Warbixin Jaaliyaadka & Qiimayn lagu sameeyay waxqabadkooda intii u dhaxaysay labada shir.
  2. Qiimayn Waxqabadka  Jaaliyaadka Ogaadeenya ee Pacifica,  Warfaafinta, Xidhiidhka Dibada, Midka dawladda ay lanoolyihiin, Abaabulka, Xuquuqul Insaanka, Waxbarashada, Dhaqanka, & Midaynta Bulshada.

Dood dheer & falanqeyn kadib wuxuu shirku gaadhay Go’aamadan hoos ku qoran

  • In la hormariyo lana xoojiyo wada shaqaynta ay Jaaliyaadka Ogaadeenya ee Pacifica la leeyihiin Dawladaha ay la noolyihiin ayaga oo xidhiidho joogta ah la yeelanaya Jaaliyaadka kale ee ay dalkaas ku wada noolyihiin.
  • In la sii hormariyo Hufnaanta & Tayaynta Shirka sanadlaha ah ee ay Jaaliyaadku isugu yimadaan kaas oo loo arkay in uu waxtar weyn u leeyahay Jaaliyadka Ogaadeenya ee Pacifica.
  • In la xoojiyo xidhiidhka sokeeye ee aan la leenahay bulshada aan walaalaha nahay ee Soomaaliyeed, & kuwa marwalba u nugul xuquuqul insaanka kana diira tacadiga joogtada ah ee ay Itoobiya ka wado Ogaadeenya.
  • In ay Jaaliyadku xoojiyaan xidhiidhka ay la leeyihiin ururada Xuquuqul insaanka, Qareenada, & Maxkamadaha ee qaada dambiyadda Dagaalka.
  • In la xoojiya waxbarashada, Hiddaha & Dahqanka suuban ee ay leeyihiin shacabka Ogaadeenya.

 

Cambaarayn:

a)    Wuxuu Shirki Canbaaraynayaa Xasuuqa & Dambiyada bani’aadaminada ka dhanka ah ee Gumaysiga Itoobiya mudada dheer ku hayay dadweynaha aan waxba galkabsanin ee Ogaadeenya Itoobiyana Gumaysto.

b)   Wuxuu Shirku dhaleeceeyay Cunaqabataynta, Dilka, Dhaca, Kufsiga, Barakicinta, ay Itoobiya ka wado wadanka Ogaadeenya.

c)    Wuxuu shirku si gaar ah u Cambaareey bahdilka & ku tumashada jogtada ah ee lagu hayo Ugaasyada, & waxgaradka magaca ku leh bulshada oo uu si gaar ah gumaysigu u colaadinayo.

d)   Wuxuu Shirweynuhu si weyn u cambaareeyay Booka & Xatooyada qaawan ee shaqabka ku hayo dal & dibadba gaar ahaa xawaaladaha & ganacsatada oo lagu qasbay in ay maalgaliyaan mashaariic beenaad uu wato gumaysiga Itoobiya.

e)    Wuxuu Shirku Cambaareeyay siyaadada guracan ee ay Itoobiya mudooyinkii dambe kula dhex wareegaysay Jaaliyaadka Ogaadeenya ee qurbaha kuwaas oo ay ujeedada ka dambaysa tahay sidii ay u wiiqi lahaayeen midnimada & isku xidhnaanta Bulshada.

 

Baaq:

a)    Shirku wuxuu Beesha Caalmaka ugu baaqayaa in ay Shacabka Ogaadeenya ku tageeraan qadiyadiisa xaqa ah, isla markaana gumaysiga Itoobiya kula xisaabtamaan dambiyadda dagaalka & Dambiyadda bani’aadamnimada ka dhabka ah ee uu ka galayo shacbka dulman ee Ogaadeenya.

b)   Shirku wuxuu Shabka Ogaadeenya ee Geesiga ah ugu baaqayaa in ay midnimadooda xoojiyaan gudo & dibadba, darar horleh galiyaan sidii ay uga hoosbixilahaayeen gumaysiga daashadan ee Itoobiya.

c)    Shirku wuxuu Amaan & Bogaadin u soo jeediyay guud ahaan Jaaliyaadka Ogaadeenya dadaalka ay ku jiraan,  gaar ahaan Jaaliyaadka Ogaadeenya ee Pacifica oo muujiyay  waxqabad & horukac muuqda mudooyinkandambe.

Gunaanadkii wuxuu shirku amaan u uu jeediyay Jaaliyadii shirka martigalisay sidoo kalena wuxuu mahadnaq u soojeediyay Jaaliyadda Ogaadeenya ee Melbourne oo marti galinaysa shirweynaha Jaaliyaadka Ogaadeenya ee Pacifica sanadka 2013, wuxuuna shirku ku soo gaba gaboobay is afgarad & guul.

Xooghaynta Shirka
Jaaliyaadka Ogaadeenya ee Pacifica

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay