Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey (QM) ayaa isku raacay in cunaqabateynta laga qaado dalka Eritrea.

Eritrea ayaa xayiraadahani lagu soo rogay sagaal sano ka hor, xilligaasi oo lagu eedeeyay in ay taageerto kooxda Soomaaliya ee Al-Shabaab. Arrintan ayaa ku soo aadaysa iyadoo xidhiidhka gobolku uu soo hagaagayo, heshiis taariikhi ahna ay la galeen dalka ay dariska yihiin ee Itoobiya.

Go’aan qabyo ah oo ay Britain hor dhigtay QM ayaa sheegayay in kooxda QM u qaabilsan la socodka arrintaas ay ku guul darraysteen in ay keenaan caddaymo lagu xoojiyo eedaymaha Eritrea loo soo jeediyay. Tallaabadan golaha Ammaanka ee QM ayaa meesha ka saaraya cunaqabatayntii Eritrea ka saarnayd soo iibsashada hubka, shakhsiyaad dhaqaalahooda la xannibay iyo xayiraaddii dhanka socdaalka ahayd.

Dhawaan ayay ahayd markii hoggaamiyeyaasha dalalka Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya ay kulan ku yeesheen magaalada Bahir-Dar ee dalka Itoobiya, halkaasi oo ay kaga wada hadleen heshiisyadii ay ku kala saxiixdeen Asmara. Waxyaabihii inta badan kulanka ka dib laga hadlayay waxaa ka mid ah arrinta la xidhiidha suuragalnimada ah inay midoobaan dalalkan mustaqbalka.

Isbadalka maamul ee ka dahcay dalka Itoobiya oo ay colaad 20 sano kala dhaxeysay Eritrea ayaa sahlay in hadda xayiraadihii laga qaado xukuumadda Asmara.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay