Dacwad oogaha guud ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa codsaday in ciqaab dil lagu xukumo shan qof oo la sheegay in lagu tuhmayo dilka suxufi Jamaal Khaashuqji.

Khaashuqji oo ahaa weriye si weyn u dhaliila dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, kaasi oo wax ku qori jiray wargeyska Washington Post, ayaa la dilay labadii October markii uu booqday qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.

Afhayeen u hadlay xafiiska dacwad oogaha Sacuudiga ayaa shalay sheegay in Khaashuqji lagu duray sunta dadka disha kadibna jidhkiisa cad cad loo jar jaray.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa sharaxaado kala duwan bixineysay tan iyo markii Khaashuqji la waayey, oo ay ka mid ahaayeen inay mar sheegtay inuu qunsuliyadda si nabad ah uga baxay, inuu ku dhintay gacan ka hadal, iyo in lagu dilay howlgal ay fulfulinayeen iyene koox fallaago ah.

Dacwad oogaha ayaa sheegay in ciqaab dil ah loo codsaday shan ka mid ah eedeysanayaasha oo lagu soo oogay dacwado ku saabsan inay amreen oo ay fuliyeen dilka, halka lix kale oo lagu eedeeey inay kaalin ku lahaayeen dilka ay helaan xukunka ku haboon.

Sacuudi Carabiya ayaa dhinaca kale weydiisatay Turkey inay gacan ka geysato soo gudbinta akhbaaraadka lagu ogaaday baaritaankii ay ku sameeyeen dilka.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay