Xubno kamid ah Xildhibaanada labada xisbi ee Maraykanka ayaa si wadajir ah usoo diyaariyey mooshin ay doonayaan in lagu dhaqan-geliyo xayiraad Maraykanka saarayo Boqortooyada Sacuudiga.

Mooshinkan ayaa ah mid looga jawaabayo dilkii Suxufigii Jamal Khashoggi iyo waliba dagaalka uu Sacuudiga ka wado dalka ay jaarka yihiin ee Yemen oo khasaaro badan ka dhashay.

Xildhibaanada Aqalka Sare ee Mooshinka soo diyaariyey oo ah 3 senator oo kamid ah Jamhuuriga iyo 3 Senator Dimuquraadi ah ayaa ku baaqaya in xayiraada lagu soo rogayo Sacuudiga la-la beegsado dhinaca hubka casriga ah ee uu Maraykanka ka iibiyo Riyadh oo la joojiyo, isla markaana xayiraad la saaro Madaxda Sacuudiga ee ku lug lahaa dilkii Khashoggi.

Hogaanka Xisbi Xaakimka ee Jamhuuriga iyo Madaxweynahooda Trump ayaa iyagu diidan in cunaqabateyn la saaro Sacuudiga oo uu ka dhaxeeyo iskaashi dhinaca ganacsiga ah iyo isbaheysigooda ka dhanka ah wadanka Iran, walow mooshinkan uu u muuqdo mid taageero ka helaya xildhibaanada Kongareeska ee labada xisbi Jamhuuriga iyo Dimuquraadiga.

Senator Bernie Sanders oo kamid ah xildhibaanada soo diyaariyey Mooshinkan ayaa sheegay inuu ku rajo weyn yahay in mooshinka uu meel maro oo la ansixiyo isagoo sheegay in ay hada jiraan dad badan oo doonaya in tilaabo laga qaado Kalitaliska ka jira Boqortooyada Sacuudiga, dilkii Suxufiga Khashoggi iyo waliba xaalada bini’aadamnimo ee ka jirta dagaalka ka socda Yemen.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay