Raysalwasaaraha UK Theresa May ayaa Khamiistii soo bandhigtay qorshaheeda cusub ee qaabka uu dalkaasi uga bixi doono Midowga Yurub, gorgortankaasi oo muddo dheer soo socday ayey ku gacan saydheen qaar kamid ah xildhibaanada xisbigeeda ee u ololeenayey Brexit ama ka bixitaanka EU-da.

Qodobada heshiiskan ayaa ah kuwo dood weyn ka dhalatay maadaama heshiiskan uu qeexayo in suuqa Ingiriiska uu weli kusii xirnaan doono suuqa weyn ee EU, sidoo kale qodobka murranka uu ka taagnaa ee xaduuda Ireland iyo Northern Ireland oo lagu heshiiyey in halkaasi aan la dhigin xuduud rasmi ah oo ay labada dal isu furnaadaan.

Aftidii laga qaaday shacabka UK ayey gobalada ismaamulka Northern Ireland iyo Scotland intooda badan u codeeyeen inay kusii jiraan EU, waxayna taageerayaasha EU kasoo horjeedeen in xaduud la dhex dhigo Norther Ireland oo ka tirsan UK iyo wadanka Ireland oo isagu kamid ah EU.

Heshiiska Theresa May ayaa lagu sheegay in wadahadalka arrinta xaduuda Ireland la xariirta uu sii socon doono, balse hadii lagu heshiin waayo aagaasi lagu sii maamuli doono nidaamkii hore ee EU, iyadoo Northern Ireland aan lagu soo rogi doonin canshuuraha EU-da balse loo aqoonsan doono suuqooda mid qeyb ka ah EU.

Dhinaca Sharuucda iyo Amniga ayaa la sheegay in UK iyo EU sii wada shaqeyn doonaan isla markaana Maxkamada EU ay weli awood ku yeelan doonto arrimaha khuseeya UK qaarkood, arrintan oo kasii cadheysiisay in badan oo u ololeenayey ka bixitaanka Britain ee EU.

Dadka heysta dhalashada dalalka EU ee hada ku nool UK ayaa loo ogolaan doonaa inay halkaasi sii degenaadaan ama ka shaqeystaan wax saameyn ahna kuma yeelan doonto ka bixitaanka EU-da, waxayna xuquuq ulahaan doonaan adeegyada ay hada helaan.

Xisbiga Conservative Party ee Theresa May ayaa waxaa hada ka dhex bilowday olole lagu doonayo in xilka laga xayuubiyo Ms. May, isla markaana heshiiskan laga horjoogsado inuu Baarlamaanka ansixiyo, waxaa iyaguna xilka iska casilay 7 xubnood oo kamid ahaa Golaha Wasiirada oo uu ku jiro Dominic Raab oo ahaa Wasiirkii loo magacaabay arrimaha Brexit iyo la gorgortanka EU-da.

Ms.May ayaa iyadu sheegtay inay u mahadnaqeyso xubnaha iska casilay Xukuumadeeda isla markaana sheegtay inay weli ku adkeysanayso in heshiiskan uu yahay midka kaliya oo macquulka ah oo ay ogolaan karaan labada dhinac ee UK iyo EU-da oo kala bixitaankooda noqday mid ay weli dood weyn ka taagan tahay.

Shacabka UK ayaa qaar badan iyagu qaba in markale afti loo qaado ka bixitaanka EU-da iyagoo ay jiraan dad badan oo aaminsan in aqlabiyada ummada Ingiriiska ay taageersan yihiin hada inay kasii mid ahaadaan EU.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay