Dagaalada ka socda dalka ogadeenay ayaa waxay maalmahan marayeen marxalad  xasaasi ah iyadoo ciidanka JWXO ay maalmahan lugta ku hayaan magaalooyinka waawayn gaar ahaan gobolada Qoraxay iyo Jarar oo ay ka wadeen abaabul iyo hawlgalo ciidan oo isku dhaf ah.

Waxaa intaa dheeraa  dagaalo habeenimo oo ay ku qaadayeen goobaha fadhiisimada u ah ciidanka cadawga iyo kamiino ay ka galeen wadooyinka. Dagaaladaas qaar ka mid ah ayaan laga hayn wali faahfaahin buuxda . Dagaalada aan helnay warbixintooda ayaa u dhacay sidan;

16/4/12 kamiin  ay qaybta Duufaan ee CWXO ka galeen wadad isku xidha Jigjiga iyo Dhagabuur  meesha loo yaqaan Geedi-aar oo ku taal duleedka dhaw ee magaalada Dhagaxbuur,  ayaa waxaa halkaa cadawga lagaga gubay hal baabuur  iyo ciidankii saraa , waxaana halkaa ku nafwaayay inta la xaqiijiyay 12 askari  waxaa ku dhaawacmay 20 kale ,wararkan oo laga helay  ilo ka agdhaw ciidanka gumaysiga ayaa xaqiijiyay inaan wax fayaw  ka bixin baabuurkaas.

11April 2012 waxa ay ciidanka xorayntu  dagaal habeenimo ku qaadeen 3 xero oo kamid ah goobaha uu cadawgu ka dagan yahay magaalada waxayna kala yihiin;

Xarunta taliska ciidanga “ kiflaadoork” ee  gobolka  jarar, Xerada ku taal xaafada shanaad ee magaalada dhagaxbuur, Xerada  ku taal xaafad labaad ee magaalada  dhagaxbuur.

Isla 15April 2012 ayay mar kale ciidanka qaybta Duufaan  weerar habeenimo ku qaadeen  barta taliska guud ee ciidanka gobolka Jarareed ee loo yaqaan kiflaadoorka.

Dagaaladan  oo dhacay xilli habeen ah kana dhacay gudaha xeryaha ciidamada ayaa waxaa la sheegayaa in loo gaystay khasaare balaadhan wayse adag  in laga helo faahfaahin buuxdab. Wararka laga helayo ila-wareedyo ka agdhow cadawga ayaa sheegaya in dagaaladaa ay ku abuurtay cadawga seexanwaa  iyo anfariir, iyadoo dadkuna ay dareemeen  kalsoonida naftood-hurayaasha CWXO.

Waxaa dagaaladan barbar socday shirar sida caadada ahayd loo qabtay dadka magaalada kuwaas oo loogu gudbinayay fariinta halganka.

17April 2012  ciidanka xoraynat ayaa galay magaalada Qabri dahar  halkaas oo ay cadawga kula galeen dagaalo googoos ah ,waxaana  cadawga loogu gaystay khasaare balaadhan ,sida ay sheegeen dad ka agdhaw deegaanada cadawga oo arkayay  aasitaanka ciidanka iyo qaaditaanka dhaawaca cadawga.

Dagaaladan lagu qaaday xeryaha magaalooyinka waxaa barbar socday in dadka loo qabtay kulamo lagu wacyi galinayo  kuwaas  oo u dhacay si fiican. Waxaa kale oo jira daaglo mir ah oo ka kala dhacay  deegaanada kala ah;

11/4/12 dagaal mir ah oo ka dhacay Higlayay oo ka tirsan degmada Dhagxbuur waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 3 askari

10/4/12 Dagaalo ka kala dhacay laascadaad iyo hari-udhmuune ayaa cadawga lagaga dilay  2 askari 4 kala waa lagaga dhaawacayn

15/4/12 dagaal ka dhacay Golduulaan  oo ka tirsan  degmada Qabridahar ayaa cadawga lagaga dilay 1 askri  tiro kalana waa lagaga dhaawacay.

Waxaa jiray dagaalo mir ah kuwaas oo aanan wali ka hayn faahfaahin rasmi ah waxaanad kala socon doontaan wararka danbe.

ONA.

 
 

1 Comment

  1. Guled says:

    Shalay oo tarikhdu ku beganeyd 18 april ayaa wax ka da ay roblagu dirsaday magalada dhaxdenda waxa jifa biyo halka barakayal ay kacabanayan hoyila,an

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay