Kooxda shiicada ah ee dalka Yemen ayaa ku dhawaaqay inay diyaar u yihiin xabad joojin isla markaana balanqaaday inay joojiyeen gantaaladii iyo duqeyntii kale oo ay la beegsan jireen Sacuudiga iyo Xulafadiisa.

Go’aanka xabad joojinta ah ee Xuuthiyiinta ayaa lagu dhawaaqay xili uu dagaal culus ka socdo magaalada Xudeydah oo maalmihii lasoo dhaafay ku dhinteen boqolaal dad ah. Xuuthiyiinta ayaa sheegay in tilaabadan ay doonayaan inay Beesha Caalamka ugu muujiyaan inay dhankooda kasoo horjeedin waan waanta nabada, waxayna sheegeen in Sacuudiga uu yahay kan weli sii wada dagaalka iyo duqeynta.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa todobaadkii hore sheegtay inay aqbashay mid kamid ah shuruuda Xuuthiyiinta horey ugu xidheen wadahadalka nabadeed oo ay Qaramada Midoobay wado, shuruudaasi oo ahayd in maleeshiyaadka dhaawaca ah ee Xuuthiyiinta dibada loogu qaado, gaar ahaan dalka Cumaan.

Waxaanse weli cadeyn in Sacuudiga uu xiligan aqbali doono xabad joojintan iyagoo dadaal ugu jira inay la wareegaan magaalada Xudeydah iyo dekkada weyn ee ku taal kahor intaan la gaarin shirka ay Qaramada Midoobay qaban-qaabineyso dhamaadka sanadkan.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay