Wararka naga soo gaadhaya xarunta dhexe ayaa sheegaya in deegaamo kala duwan lagu xidh xidhay dad shacab ah, qaar kalena loo gaysatay jidhdil.

Sida lagu yaqaan ciidamada cadawga  ayaa ciqaab joogto ah ku haya dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan waxayna u gaystaan dhac, kufsi, xadhig iyo wax kasta oo ay ku ciqaabi karaan.  

Waxaad wararkii ugu danbeeyay kula socoteen sida dad badan oo reer Garbo ah ay ugu caydhoobeen weerarkii bahalnimada ahaa ay ku qaadeen ciidamada cadawgu.

Hadaba dhibaatooyinka shacabka ku dhaca ee nasoo gaadhay waxaa kuwii ugu danbeeyay oo ka kala dhacay sidan;

Xidhay

15 April 18, 2012 waxaa lagu xidhay magaalada Dhagaxmadaw Faadumo xasan shugri

15April  2012 waxaa lagu xidhay  ceelka Bulaale Dayib cabdi soofe

1April  2012 waxaa lagu xidhay  caleen oo ka tirsan shilaabo Cadar Xuseen Haaribay iyo Ardo yuusufWaal.

Jidh dil iyo xidhay

16April  2012 waxaa Gabagabo jidhdil xun loogu gaystay Ayaan Birigaan. Waxaa lagu xidhay isagana Gabagabo isagoo lagu xidhy cooshad yar oo uu lahaa muwaadinka la yidhaahdo Cabdirashiid Dayr.

Dhibaatooyinka ku dhaca dadka shacabka ee dhan walba ah  ee kaga imaanaya cadawga ayaa waxay taabanayaan nolosha guud ee dadka, hase yeeshee taasi marnaba joojin mayso go’aanka ah in Ogaadeenya ka madaxbanaanaato gumaysiga Itoobiya.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay