Magaalada Xeebta saaran ee Xudeydah ayey weli kasii socdaan dagaalo xoog leh xili ay dhinacyada dagaalamaya ay sheegeen inay diyaar u yihiin dhaqan gelinta xabad joojinta dagaalka mudada ka socday dalka Yemen.

Kooxda Xuuthiyiinta ayaa Isniintii sheegay inay diyaar u yihiin xabad joojin dalkaasi laga dhaqan geliyo, sidoo kale Sacuudiga ayaa sheegay inuu diyaar u yahay wadahadalka ay garwadeenka ka yihiin guddiga Qaramada Midoobay (QM) u qaabilsan Yemen.

Balse waxaa muuqata inuusan weli joogsan dagaalka Xudeydah oo ay maalmihii lasoo dhaafay boqolaal dad ah ku dhinteen, dagaalkaasi ayaa sidoo kale caqabad ku ah gargaarkii la gaadhsiin jiray shacabka Yemen, maadaama magaaladaasi Xudeydah oo ay ku taal dekkada ugu weyn ee deeqda loo marin jiray shacabka ku nool Waqooyiga Yemen.

Xuuthiyiinta ayaa ku eedeeyey xulafada Sacuudiga inay doonayaan inay awood militari magaaladaasi kula wareegaan kahor intaan la gaadhin shirka dhamaadka sanadkan ay QM u qaban doonta dhinacyada dagaalamaya, shirkaasi oo la filayo inuu ka dhaco dalka Sweden.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay