Booliiska dalka Kenya ayaa sheegay in habeen hore fiidkii ay koox ku hubaysan qoryaha daran-dooriga udhaca ee loo yaqaano AK 47 weerar ku qaadeen xarunta ganacsiga ee Chakama oo ku taala count-ga Kilifi, oo 80 km dhanka galbeed kaga beegan magaalada Milindi.

Kooxdan weerarka soo qaaday ayaa rasaas aan kala sooc lahayn ku furay dadkii goobta joogay, iyagoo shan qof oo shacab ah dhaawacay. Waxay sidoo kale goobta ka afduubteen Sylivia Constanca oo ah haweenay u dhalatay dalka Talyaaniga islamarkaana u shaqaynaysay urur aan dawli ahayn (NGO) oo halkaasi ka hawlgala.

Dadkii weerarkaasi ku dhaawacmay ayaa sida la sheegay lagu daawaynayaa hospitaalka magaalada. Wali lama xaqiijinin haybta dableeydan weerarka gaysatay iyo ujeedada ka dambaysay toona.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay