Marka hore waxaan aad ugu mahadinayaa Eebe,wayne oo nasoo gaadhsiiyay maalin ay shacabka Ogadenya faraxsanyihiin dhamaantood. Rabi SXW iyo Rasuulkiisuba SCW run bay sheegeen markay noo yabooheen in dhibaato kasta uu fudayd ka danbeeyo.

Halgan hubaysan oo aad adag ayay soo galeen Ciidanka xaq udirirka JWXO kaasoy kala horjeedeen Taliskii macangaga ahaa ee TPLF. Halganka waxaa lagu waayay nolosha dad fara badan oo Gobolka ah, hase yeeshee wuxuu sabab unoqday inuu gabi ahaanba meesha kabaxo maamulkaasi.

Maalmaha farxada iyo rayraynta ay ku naaloonayaan shacabka Soomaalida Ogadenya waxaa kamid ah Arbacadii 21-Nov- 2018 oo aheyd maalin aan Taariikhi ah. Waxaa Garoonka Wiil-Waal ee jigjiga kasoo dagay Cutub xoogle oo kasoo kicitimay wadanka saaxiibka layahay ee Eriteriya. Waxaa si diirran halkaas ugu soo dhaweeyay Maamulka degaanka iyo bulshada Qeybaheeda kala duwan.

Anigu dhankeyga waxaan u tabinayaa Geesiyada Salaan iyo soo,dhweyn aan la qiyaasi Karin oo ku haboon meeqaanka sharafta leh ee ay joogaan. Waxaan leeyahay Kusoo Dhawaada Gacmo-furan & Dalkii Hooyo Ee Ogadenya oo idiin hiloobay. Xiiso gaar ah ayay aragtidiinu maanta uleedahay Dalka iyo dadkaba.

Ugu danbayn, waxaa banaanka taala oon cidna ka qarsooneyn inaad guuleysateen, Maashaa Allaah.

Xaaji M/rashiid Aw Macalim

Qoraa madax banaan

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay