Idaacadda Salama ee dalka Kenya ka baxda ayaa wareysi meela badan taabanay la yeelatay gabadh uu dhalay Allaha u naxariistee Nadir Maxamad Dhiidhi oo jidhdil darteed u geeriyooday isagoo loo xidhay sida ay gabadha sheegtay nin adeer u ah Cabdi Ilay oo la yidhaahdo Cirro oy is-afdhaafeen. Waxay Sulaykha sheegtay in aabaheed uu gaadhi ku qaatay Cabdiraxmaan Labago’le dib dambena aan loo arag siduu ku handaday Cirro muddo laba sana ah ilaa loo soo sheegay inay qaataan maydkiisii oy soo xabaashaan.

Waxaa kaloo ay idaacadda wareysanaysaa Eng Axmad Sadiiq oo ah madaxa Ogaden Refugee Commitee oo ka xogwaramaya dhibaatada lagu hayo shacabka S.Ogadenya.

Halkan ka dhagayso [audio:http://www.ogadennet.com/wp-content/uploads/2012/04/Dilkiii-Nadiir5.mp3|titles=Dilkiii Nadiir5]

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay