Dableey hubeysan ayaa shalay weeraray qunsuliyadda uu Shiinuhu ku leeyahay magaalada Karachi ee dalka Pakistan.

Ugu yaraan laba askari oo ka tirsan ciidamada booliska ee dalka Pakistan ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen, kaddib markii uu iska hor-imaad hubeysani ku dhex maray dableyda weerartay qunsuliyadda iyo ciidamada amaanka.

Ikram Sehgal oo maamule ka ah shirkad maamusha qeybta amaanka ee qunsuliyadda Shiinaha ee magaalada Karachi ayaa sheegay inuusan jirin wax khasaare ah oo weerarka kasoo gaadhay shaqaalaha Shiinaha ee jooga qunsuliyadda.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Pakistan Shah Mahmood Qureshi ayaa u sheegay warbaahinta maxalliga ah in qof naftii-hallige ah uu isku qarxiyay albaabka laga galo qunsuliyadda kadibna ay laba nin oo hubeysani isku dayeen in ay gudaha u galaan xarunta qunsuliyada.

Wuxuu sheegay in weerarkaasi ay fashiliyeen ciidamada ammaanka oo dilay dableydi weerarka soo qaadday. Koox gooni u goosad ah oo ka dagaalanta gobolka Baluchistan ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan. Kooxdan ayaa ka cadheysan mashaariic uu Shiinaha ka wado gobolkaasi.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay