Dawladda Maraykanka ayaa si weyn kor ugu qaadday weerarrada ka dhanka ah ururka Al-Shabaab, gaar ahaan gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Ugu yaraan shan weerar oo dhinaca cirka ah ayaa Maraykaku ay qaadeen afartii maalmood ee lasoo dhaafay, iyadoo wararkii ugu dambeeyey ay sheegayaan inay dhaceen duqaymo kale oo dheeraad ah, kuwaas oo khasaare laxaad leh loogu gaystay kooxda Al-Shabaab.

Sida ay kusoo weeraradan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo u kuurgalay deegaanada la duqeeyay ayaa tibaaxaya in la bartilmaameedsaday maleeshiyada Al-Shabaab iyo goobo ay hubka ku kaydsadaan oo qarsoodi ahaa balse hada u muuqda in la ogaaday.

Ciidamada Soomaaliya oo caawimaad ka helaya huwanta Maraykanka iyo AMISOM ayaa laftigoodu khasaare balaadhan u gaystay kooxda Al-Shabaab oo mudadii lasoo dhaafay dharbaaxooyin kul kul ay ku dheceen.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay