Boqortooyada Ingiriiska ayaa waxa ay qaaradda Afrika ugu yaboohaysaa lacag dhan 50 milyan oo giniga Istarliinka ah oo u dhiganta 64 milyan oo doolar si ay gacan uga gaysato joojinta gudniinka fircooniga.

Lacagtan oo la isticmaali doono shanta sano ee soo socota ayaa waxaa lagu doonayaa in lagu joojiyo oo loogaga hortago dhibaatooyinka haweenka ka soo gaadha gudniinka fircooniga ah. Dowladda UK ayaa sheegaysa in tani ay tahay maalgashigii ugu weynaa taariikhda dunida ee looga gol-leeyahay in gudniinka fircooniga lagu cidhib tiro wixii loo gaadho 2030-ka.

Caadadan oo looga dhaqmo meelo badan oo Afrika ka mid ah, ayaa waxay tahay mid gabdhaha looga jarayo qeyb ka mid ah xubinta taranka. Hay`adda Action Aid ayaa soo dhoweysay deeqda UK, balse waxay sheegtay in diiradda la saaro gudniinka oo keliya inuusan ku filneyn cidhib tirka tacaddiyada ka dhanka ah haweenka.

Xidhmadan gargaarka ah ayaa lagu taageeri doonaa ururrada sida mashruuca Saleema ee dalka Sudan, oo ujeeddadiisu tahay inay gabdhaha tusiyaan inay awood leeyihiin haddii aan la gudin, iyo sidoo kale in duqeyda bulshada la wacyigeliyo.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay