Cwxo ayaa weeraro ay ku qaadeen deegamo kala duwan oo uu ku sugan yahay ciidanka cadawga waxay ku gaadhsiiyeen khasaare baaxad leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaaladan oo isugu jira kamiin iyo weeraro ayaa waxay ka mid yihiin tabaha uu ciidan xorayntu u adeegsado ladagaalanka cadawga. Wararka ka imanaya gudaha ayaa sheegaya inay dagaalada si xoogan uga socdaan gudaha Ogaadeenya,iyadoo maalmihii ugu danbeeyay dagaaladii dhacay qaar ka mid ah  aan ilaa hada faahfaahin laga hayn.

Hawlgalada aan helnay warbixinadooda waxay u kala dhaceen sidan;

17/4/12 dagaal ak dhacay meesha loo yaqaan  Afyaraado oo ka tirsan  gobolk Doollo waxaa ciidanka cadawga lagaga dila  8 askari waxaana looga dhaawacay  11 kale

Isla maalintaa dagaal ka dhacay Uubataale oo isna ka tirsan gobolka Doollo waxaa ciidan cadawga lagaga dilay 2 askari waxaana looga dhaawacay  3 kale

Waxaa kale oo maalintaa dagaal uu ka dhacay  laagata Milmileed oo degamada Dhagabuur  waxaana ciidanka cadawga lagag dilay ahlkaa 7 askari waxana looga dhaawacay   tiro intaa ka badan , iaydoo looga furtay hub iyo rasaas  badan

19/4/12 dagaal ak dhaca Leedilay oo ka tirsan degamad Dhagabuur waxaa ciidanka cadawga looga dilay  15 askari waxaana looga dhaawaca  tiro intaa ka badan  oo aan la ogayn.

Isla maalintaa waxaa dagaal ka dhacay  malkada Gabagabo  ee gobolk Dhagaxbuur   waxaana cadawga lagu gaadhsiiyay khasaare balaadhan

15/4/2012  waxaa uu  dagaal ka dhacay meesha loo yaqaan  Xodayga oo  tirsan Galadiid degmada Qabri dahar waxaana ciidana cadawga looga dilay hal askari 2 kalana waa looga dhaawacay.

Maalin ka dib ayaa  waxaa halkaa ka dhacay dagaal  qaraar oo dhex maray ciidamadii gurmadka ahaa ee cadawga iyo cjwxo, dagaalkaas oo cuslaa ayaan wali laga hayn faahfaahin buuxda.

Ciidan jwxo ayaa maalmahan waxa uu waday weeraro iyo dagaalo  uu la galayo kuwa cadawga , dagaaladaas ayaa waxaa ciidanka cadawga lagag furtay hub iyo  saanada ciidan oo badan.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay