Dowlada Ukraine ayaa ku eedaysay in ciidamada Badda ee Ruushka weerar ku qaadeen maraakiibtooda dagaalka, iska hor imaadkaasi oo ka dhacay bada Madow ee jasiirada la isku heysto ee Crimea.

Xukuumada Kiev ayaa sheegtay in weerarkii shalay gelinkii danbe dhacay ay ku dhaawacmeen 6 askari oo ka tirsan ciidamadooda badda isla markaana Ruushka uu qabsaday 3 Markab oo ay Ukraine leedahay.

Madaxweynaha dalka Ukraine ayaa sheegay inuu soo rogayo xaalad deg deg ah si uu wadankiisa isaga difaaco duulaanka cusub ee Ruushka, walow uu sheegay in dowladiisa ay weli diyaar u tahay in hab nabad ah lagu xaliyo dhulka ay isku heystaan Ruushka ee gobalada bariga Ukraine iyo jasiirada Crimea.

Ruushka ayaa dhankiisa sheegay in ciidamada badda ee Ukraine ay soo galeen badda Ruushka ee jasiirada ay la wareegeen Crimea isla markaana ay iyagu is difaaceen, Moscow ayaa sidoo kale shalay oo isniin ah kulan deg deg ah isugu yeedhay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay