Jaaliyada iyo ururka dhalinta Ogaadeeniya ee OYSU ayaa abaabul xoog badan oogu jira sidii ay xaqiiqada Ogaadeeniya ka jira oogu bandhig lahaayeen kumanaan ka dadweynaha soomaaliyeed ee kunool dalka Kenya gaar ahaan magaalada caasimada ah ee Nairobi iyadoo ay qabteen kulamo gaar gaar ah kuwaas oo ay la yeesheen xubno muhiim ah oo ka tirsan ururada bulshada sida dhalinyarada,haweenka,odayaash dhaqankan Salaadiinta,Culimawdiinka iyo jaaliyadaha soomaaliyeed ee dalka Kenya kunool.Qaar kamid aha mas’uuliyiinta jaaliyada Ogaadeeniya ee Kenya ayaa wakaalada wararka ee ONA usheegay in ay soo dhaweyn fiican kala kulmeen siina wadi doonaan dadaalka ay oogu jiraan hawlaha horyaala waxay intaas ku dareen mas’uuliyiinta ujeedada shirarkan ay tahay in ay u bandhigaan dhibaatooyinka guumaysiga uu ku hayo shacabka Ogaadeeniya ayna meesha ka saaraan beenta iyo burbogaanada raadkeedu dhamaaday ee dibadaha loo soo dhoofiyo.

Ma aha markii oogu horeysay  ee Jaaliyadaha Ogaadeeniya ee dalka Kenya  ay sameeyaan  abaabulo noocan oo kale aha waxaana  jirey dadaalo badan oo ay jaaliyadu ku bixisay wacigalinta dadweynaha Soomaaliyeed iyadoo door muhiim abaabulkaas ay ka qaadaneyeen ururka dhalinyarada OYSU oo lagu xusuusto shirweynahii ay todobaadkii la soo dhaafay u qabteen ururada dhalinyarad Soomaaliyeed ee kunool Nairobi uuna aha shirkii oogu horeeyey ee noociisa oo kale ay ku qabtaan dhalinyarada Ogaadeeeniya.

 

 

ONA/Nairobi

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay