Kulan xiisa badan  ayaa  caawa  ku dhexmaray  xafiiska Jaaliyada Ogadenia  ee wadanka Canada magaalada Toronto  maamulka ugu sareeya  Jaaliyada Ogadenia ee  wadanka  Canada uu hogaaminayay  isuduwa  Canada Halgame  Abdi raage Hirsi iyo  Abdinaasir Guuldoon(Galaal) oo kamid ah hogaaminta Jaaliyada Ogadenia  ee galbeedka Canada.

Sidoo kale  waxaa kulanka  Joogay  Xidhiidhiyaha Jaaliyada Ogadenia ee Bariga Canada Halgame Mahamed Tube iyo Xoghayaha OYSU Canada Muxyadiin Noor(Tigtag).

kulan kan oo ahaa mid  lagu falanqaynayay  xaaladaha ka  taagan  geeska  Africa gaar  ahaa  Xaalada Soomaalida Ogadenia  waxaa si qoda  dheer uga  hadlay Masuuliyiin  magac iyo meeqaan sare ku dhaxle bulshada Soomaaliyeed oo kala ah  .

Prof: Mahamed Isman Gab.

Garad Bashir Makhtal .

iyo Hassan Jabhad   waxay  dhamaan Shacabka Soomaalida Ogadenia  siwada jir ah ugu baaqeen inay ka  fa’iidaystaan xaalada kala guurka ah   ee ka jirta Ethiopia oo dhibaato badan ku haysay mudo dheer umada soomaaliyeed.

Uqaabilsanaha (Isuduwaha) JWXO oo  Xaruntiisu tahay Magaalada Edmonton iyo  Masuuliyiinta  la socotay ayaa lafilayaa inay  ka dhoofaan  gada diyaarada  ee magaalada Toronto barito  iyagoo ku wajahan  magaalada jigjiga ee xarunta Ogadenia.

ONA.

Toronto.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay