Aqalka senate-ka Mareykanka ayaa arbacadii cod ah 63-37 ku ansixiyey in horey loo dhaqaajiyo sharci dhigaya in Mareykanku uu soo gabagabeeyo ku lug-lahaanshaha dagaalka Yemen ee Sacuudiga uu hogaamiyo.

Si kastaba codka ayaa noqon doona kaliya baaq, sababtoo ah hogaamiyayaasha xisbiga Jamhuuriga ee Aqalka Wakiilada ma aysan muujin inay doonayaan in sharciga la horgeeyo aqalka, si uu u meel maro. Tallaabada senate-ka ayaa caddeyn u ah khilaaf sii ballaaranaya oo u dhaxeeya Aqalka Cad iyo sharci-dejiyayaasha Mareykanka oo ku saabsan Sacuudiga.

Laba bilood kadib markii la dilay suxufiga reer Sacuudi ee Jamaal Khaashuqji ayaa xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo iyo kan gaashaandhigga Jim Mattis waxa ay ku baaqeen in Mareykanka uu sii wado xidhiidhka taariikhiga ah ee kala dhaxeeya Riyadh, oo ay ka mid tahay in la taageero dagaalka Sacuudiga uu horkacayo ee Yemen

Si kastaba ha ahaatee senator-ada labada xisbi ayaa ka cadhooday in kulanka Mattis iyo Pompeo warbixinta looga dhageystay aan lagu soo darin agaasimaha CIA-da, Gina Haspel. CIA-da ayaa la rumeysan yahay inay go’aamisay in dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uu amray dilka Khaashuqji.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay