Jaaliyada Iyo Ururka Dhalinyarada DK oo simiraan ka Qayb galay.

Afar xubin oo katirsan da´yarta jaaliyada iyo xubin katirsan odayaasha jaaliyada wadanka Denmark,  ayaa ka qayb galay siminaar laba maalmood ah 20-21 April oo lagu qabtay magaalada Odense ee wadanka dhenmark.

Siminaarkan oo ay isugu yimadeen 8 urur oo ka kala socday magaalooyinka kala duwan ee wadanka ayaa ciwaankiisu ahaa “Aktive Unge” oo micnaheedu yahay da´yarta fir-fircoon.

Siminaarkan oo ay soo diyaarisay Hay,ada Denish ah oo ka shaqaysa hawlaha dayarta ayaa waxaa lagu baranayay siday dhalinta iyo hoggaamiyaashoodu u baran lahaayeen diyaarinta mashaaricda horumarinta dhalinta sida,Dimuqraadiyada,Dhaqan wanaaga,Isboortiga iyo Caafimaadka.

Dhalinyarada ka qayb galay siminaarka ayaa waxaa laga filayaa in ay so bandhigaan mashruuc cusub oo ay ku soo bandhigayaan dhaqanka Somalida Ogadenya iyo baahida ay ummada ree Ogadenya u qabaan cadaalada iyo dhaqan wanaaga.

Guul iyo Gobanimo

Odense

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay