Inaa lilaahu Wa Inaa Ileehu Raajucuun.

Tacsi Tiiraanyo Leh.

Gudoomiyaha Hogaanka Warfaafinta JWXO iyo Kuxigeenka Hogaanka Warfaafinta JWXO iyo guud ahaan bahda Warfaafinta JWXO oo isku duuban, waxay Tacsi Tiiraanyo Leh udirayaan guud ahaan shacabka Soomaalida Ogadenia oo uu kabaxay Abwaankii waynaa, Halgamaagii waynaa Allaha Unaxariistee Axmed Sheekh Cali ( Heelaale ).

Allaha Unaxariistee Abwaan Axmed Sh Cali Heelaale wuxuu Gumaysiga madow ee wadankeena ku habsaday kula dagaalamay af iyo adinba, wuxuuna Abwaanku cimrigiisii intii badnayd uhuray gobonimada shacabka Soomaalida Ogadenia.

Allaha Unaxariistee Abwaanku wuxuu bilowgii halganka xaqa ah ee JWXO hormuudka u tahay qaatay qoriga isagoo xigmadii Allaah SW kumanaystayna kuladagaalamay gumaysiga, wuxuuna qofkasta oo Soomaali ah makhraati kayahay kaalintii suygaaneed ee Abwaanku uu kugarab istaagay shacabka dulman ee Soomaalida Ogadenia.

Bahda Warfaafinta JWXO oo isku duuban waxay Tacsi udirayaan qayskii iyo qarankii uu ka geeriyooday Allaha Unaxariistee Halgame Abwaan Axmed Sh Cali (Heelaale).

Inaa Lilaahu Wa Inaa Ileehu Raajucuun. Qabriga Allaha uwaasiciyo Abwaan Heelaale.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay