Wararka nagasoo gaadhaya gobolka Oromada ayaa sheegaya in mudaharaado waawayn kadhaceen gobolka.

Mudaharaadadan oo ay oromadu kagasoo horjeedaan dad Oromo ah oo lagu laayay  xadka oromada iyo Binshangulka ayaa kadhacay magaalooyinka waawayn ee oromada sida Metu, Gimbi, Ambo, Holeta, Bako, Jimma iyo Woliso.

Wararka ayaa sheegaya in ugu yaraan 38 Qof oo 17 kamid ah Booliska gaarka ah ee Oromada Katirsanyihiin lagu dilay dagalaalo dhaxmaray  maamulada Binshangulka iyo oromada oo Arimo dhuleed isku haysta.

Colaada Binshangulka iyo Oromada ayaa ah mid soo jireen ah waxayna isku haystaan dhul beereed iyo gooba dahabka laga qodo oo xadka labada gobol dhacda.

Maamulada labada kilal ayuu midwalba kakale ku eedayn hayaa hurinta coolada,Meela badan oo Itoobiya kamid ah ayaa waxaa kasocda dagaalo udhaxeeya Qowmiyadaha Kala duwan ee Itoobiya kuhoos-nool.

ONA.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay