Waxaa si habsami ah ufurantay xafladii ay madaxda JWXO kulahadlaysay xubnaha Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya ee kusugan magaalada Jigjiga.

Xaflada waxaa lagu furay aayado kamid ah qur’aanka kariimka ah waxaana si toos ah looguda galay xafladii oo aad ubalaadhnayd.

Waxaa makarafoonka lagusoo dhaweeyay madax aad ubadan oo aan magacyadooda dib kasoo faahfaahin doono waxaana ugu dambayn lagu Soo dhaweeyay Xoghayaha Guud ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya JWXO Halgame Cabdiraxmaan Sh Mahdi (Maaday).

Xoghayaha ayaa xiligii uu makarafoonka qabsaday laxakamayn waayay dareenka shacabka, waxaana sacab iyo sawaxan badan kadib Xoghayaha loo ogolaaday in uu hadlo waxaana hada socota khudbadii Xoghayaha.

Faahfaahinta kala soco Wakaalada Wararka Ogadenia ONA.

ONA Jigjiga.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay