Waxaa shalay gaadhay Magaalada Dhagax buur ee Xarunta gobolka Jarar Hogaanka warfaafinta JWXO Halgame Hassan Macalin.

Halgame hasan macalin ayaa saaka dhex lugeeyay magalada dhagaxbuur xarunta gobalka jarar oo uu mudo sanado badan ah halgan iyo raadinta xaqa iyo xoriyada shacabkiisa uga maqnaa.

Inkasta oona soowada koobi karin dareenkii farxadeed ee shacabka markay arkeen Halgame Hassan Moalin oo dhex lugaynaya badhtanka magalada dhagax buur hadana waxaad arkaysay dadka oo aad ugu faraxsan imaatin gudoomiyaha Hogaanka Warfaafinta ee JWXO.

Halgame Hassan Moalin ayaa wuxuu u tagay magaalada Dhagax buur inuu soo booqdo Shacabka Magaalada dhagax buur ehelkiisa, qaraabada iyo dadka oo ay mudo badan kala maqnaayeen.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay