Waxaa si nabad galiyo ah kusoo dhamaaday xafladii balaadhnayd ee isku xogwaraysanayeen madaxda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya JWXO iyo xubnaha JWXO ee magaalada Jigjiga.

Munaasabada oo ahayd mid taariikhi ah ayaa lagu furay wacdi diini ah waxaana laguda galay ajandayaashii munaasabada oo ay siwada jir ah u daadihinayeen kuxigeenka Hogaanka Abaabulka iyo Arimaha Jaaliyaadka mudane Cabdinuur Sh Maxamed Uulaa iyo halgame Maxamed Cali Xuseen Dhagawayne.

Suugaan kala duwan oo ay Abwaanadu soobandhigeen kadib waxaa si toos ah mid mid loogu soodhaweeyay madaxdii JWXO ee munaasabada kasoo qaybgashay oo aad ubadnaa.

Ugu horayn waxaa looyeedhay Xoghayaha Golaha Dhexe mudane Maxamed Shariif Cumar, oo khudbad taariikhi ah madasha kasoo jeediyay.

Sidoo kale waxaa lagusoo dhaweeyay Gudoomiyaha Hogaanka Abaabulka iyo Arimaha Jaaliyaadka HAAJ, mudane Xaaji Maxamed Cabdiyaasiin (Diirane), rugcadaa Diirane waxaa kawarbixiyay halgankii dheeraa ee shacabka Soomaalida Ogadenia oo uu xaadir u ahaa.

Waxaa sidoo kale makarafoonka lagu sharfay Gudoomiyaha Hogaanka Dhaqaalaha JWXO Halganto Nafteed hurto Cibaado Xirsi Mahad. Waxayna Marwo Cibaado Madasha kasheegtay hadal qiiro leh.

Intaas kadib waxaa sacab iyo sawaxan lagusoo dhaweeyay Xoghayaha Guud ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya JWXO Mudane Cabdiraxmaan Sh Mahdi Maaday, wuxuuna halgame Maadey xubnaha ka jaahiltiray habkii wadaxaajoodkii dheeraa ee JWXO iyo Itoobiya uu udhacay, wuxuuna halgame Maadey sheegay in xaqa aayo katashi ee shacabka Soomaalida Ogadenia aan waligii laga tanaasulaynin.

Xafladii maanta oo aad muhiim u ahayd waxaa kahadlay qaar kamid ah Kaadirka JWXO iyo hooyooyinka Soomaalida Ogadenia.

Gabagabadii waxaa si qurux badan kusoo dhamaaday munaasabadii balaadhnayd ee maanta kadhacday hoolka Sayid Maxamed Cabdule Xassan ee magaalada Jigjiga.

ONA Jigjiga.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay