Ugu yaraan saddex qof ayaa lagu dilay, 24 kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax is-miidaamin baabuur loo adeegsaday oo lagu qaaday xarunta booliska magaalo xeebeedka Chabahar ee Koonfurta Bari ee dalka Iran.

Saxaafada dalka Iran ayaa sidoo kale tabisay in rasaas ay ka dhacday goobta oo ku taalla gobolka Sistan-Baluchestan, oo ay ku badan yihiin muslimiinta Sunniga ah ee laga tirada badan yahay.

Mohammad Hadi Marashi, oo ah ku-xigeenka barasaabka ee arrimaha amniga ayaa sheegay in dadka dhintay ay ku jiraan laba sarkaal oo boolis ah. Ma jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan.

Bishii October, kooxda gooni u goosadka ah ee ka dagaalanta gobolka, Jaish al-Adl ayaa afduubatay 12 ka mid ah ciidamada ilaalada xuduudaha ee Iran, kuwaas oo ilaa hadda shan ka mid ah lasii daayey.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay