Mucaaradka Yemen ee Xuutiyiinta ayaa sheegay inay go’aan ka gaadhi doonaan haddii dowladda dalkaas ay daacad ka tahay wada-hadallada nabadda.

Afhayeen u hadlay Xuutiyiinta ayaa sheegay inaysan wax dhibaato ah ku qabin inay wada-hadal la galaan dowladda, balse ay ka gaarin doonaan in wada xajaoodka ka socda caasimada dalka Sweden ee Stockholm uu yahay mid dhab ah iyo in kale. Wada-hadalladan oo ay agaasintay QM ayaa khamiistii ka furmay magaalada Rombo oo waqooyi kaga beegan Stockholm.

Ujeeddada wada-hadallada ayaa ah in lagu soo geba gebeeyo dagaalka afarta sano ka socda Yemen ee u dhaxeeya Xuutiyiinta oo Iran ay taageerto iyo dowladda dalkaas oo uu taageero isbaheysiga Sacuudiga uu hogaamiyo. Ergayga QM Martin Griffiths ayaa sheegay in horumar laga sameeyey maalinkii koowaad ee wada-hadallada, ayada oo labada dhinac ay isku raaceen inay maxaabiis is-weydaarsadaan.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay