Agaasimihii Aqalka Cad ee Maraykanka, John Kelly ayaa lagu wadaa inuu booska baneeyo dhamaadka sanadkan, xili todobaadyadii lasoo dhaafay uu gebi ahaan joogsaday xidhiidhkii tooska ahaa ee ka dhaxeeyey isaga iyo Trump.

Mr. Kelly oo horey usoo ahaa Jeneraal militari ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay lasoo shaqeenayey Trump, iyadoo xiligii xilka loo magacaabay uu jahwareer weyn ka jiray Aqalka Cad ee looga taliyo dalka Maraykanka.

Marar badan ayaa horey loo sheegay inuu xilka ka degi doono John Kelly, waxaana horey buug laga qoray jahwareerka ka jira Aqalka Cad lagu sheegay in Gen. Kelly uu ku tilmaamay Trump hogaamiye doqon ah, inkastoo uu beeniyey warkaasi laga qoray. Xidhiidhka labada nin ayaa la sheegay in uu sii xumaaday todobaadyadii lasoo dhaafay oo ay gebi ahaan joojiyeen inay wadahadlaan.

Trump ayaa warbaahinta u sheegay in maalmaha soo socda uu magacaabi doono ninka bedali doona Kelly, waxaana si weyn loohadal hayaa in uu magacaabi doono xogheynta Madaxweyne kuxigeenka ninka lagu magacaabo Nick Ayers, ninkaasi oo taageero ka heysta qoyska Trump gaar ahaan gabadhiisa Ivanka Trump & ninkeeda Jared Kushner.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay