Shirka dalalka carabta Khaliijka ayaa shalay oo Axad ahayd ka furmay magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga, xili ay weli taagan tahay xiisadii u dhaxeysay xulafada Sacuudiga iyo Qatar.

Amiirka Qatar Tamim bin Hamad Al Thani ayaan isagu sanadkan ka qeyb galayn shirkan ka dhacaya caasimada Sacuudiga, waxayna dowlada Qatar shirka shalay u dirtay wafdi heer hoose ah oo uu hogaaminayo Wasiirul Dowlaha Arrimaha Dibada. Hogaamiyayaasha Khaliijka ayaa ka qeyb galaya shirkan walow aan la filayn inay wax weyn kasoo baxaan kulankan.

Shirkii ugu danbeeyey ee dalalka Khaliijka oo sanadkii hore ka dhacay dalka Kuwait ayaa si deg deg ah loosoo gaba gabeeyey,  iyadoo shirkaasi aysan ka qeyb gelin hogaanka Sacuudiga oo diidanaa Amiirka Qatar oo shirkaasi ku sugnaa.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay