Donald Trump ayaa shalay la kulmay hogaamiyayaasha xisbiga dimoqraadiga, isaga oo dadaalkii ugu dambeeyey u sameynaya in uu maal-gelin u helo darbiga uu doonayo in laga dhiso xuduudda Mexico.

Trump ayaa doonaya in miisaaniyadda dowladda ee ay tahay in la ansixiyo ka hor 21-ka bisha December lagu soo daro lacagta dhismaha darbiga. Miisaaniyaddan ayaa noqon doonta sharcigii ugu dambeeyey ee ay ansixiyaan xubnaha congress-ka ee ay maamulaan Jamhuuriga, ka hor inta aysan sanadka cusub la wareegin dimoqraadiga.

Trump ayaa la kulmi doonaa hogaamiyaha aqlabiyadda yar ee senate-ka Chuck Shumer iyo midka aqalka wakiilada Nancy Pelosi, si uu eego inay heshiis ka gaadhi karaan lacagta shanta bilyan ee dollar ah ee ku baxeysa dhismaha darbiga.

Kulankan ayaa noqon doona tijaabadii ugu horreysay ee lagu eegayo in Trump uu wada xaajood dhinacyo badan ah la geli karo dimuqraadiga oo guulo-weyn ka gaadhay doorashadii xilliga dhexe ee Mareykanka. Labadii sano ee uu xukunka hayey Trump, ayaa waxaa labada aqal ee congress-ka maamulayey xisbigiisa Jamhuuriga.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay