Ninka lagu magacaabo Michael Cohen ayaa xukun sadex sano ah lagu riday kadib markii lagu helay danbiyo la xidhiidha in uu been u sheegay danbi-baarayaasha iyo Kongareeska dalka Maraykanka ee baadhaya kiiska xidhiidhka qarsoodiga ah ee ka dhaxeeya Trump iyo Ruushka.

Cohen ayaa lagu helay dhowr danbi oo ay ku jirto inuu lacag siiyey haween xidhiidh qarsoodi ah la lahaa Trump kahor doorashadii si aysan caqabad ugu noqon ololihii doorashada ee Trump, bixinta lacagtaasi ayaa ahayd mid si qarsoodi ah loo bixiyey lagana bixiyey lacagtii ololaha ee Trump, falkaasi oo ka hor imaanaya shuruucda uyaala Maraykanka ee lacagaha ololaha doorashooyinka.

Qareenka Trump ayaa sidoo kale lagu helay danbiga uu isaguba qirtay ee ah inuu been u sheegay danbibaarayaasha FBI-da iyo waliba Guddiyada Kongareeska Maraykanka oo su’aalo ka weydiiyey xiriirka ka dhaxeeyey Trump iyo Ruushka, wuxuuna Maxkamada ka hor qirtay inuu been sheegay isagoo qariyey xidhiidho toos ah oo dhexmaray Trump iyo Ruushka oo isagu wax badan ka ogaa.

Xabsiga lagu xukumay Qareenka Trump ayaa ah mid walaac weyn ku abuureya Trump, iyadoo ay jiraan xubno kale oo kamid ahaa kooxdiisa oo uu ku jiro xisaabiyihiisii hore oo iyaguna sugaya in maxkamada xukunto. Michael Cohen oo ahaa ninkii u qaabilsanaa Trump xalinta hawlihiisa qarsoon ayaa la rumeysan yahay inuu xog badan siin doono dabi-baarayaasha ku mashquulsan baadhitaanada kala duwan ee la kusaabsan Trump.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay