Laamaha Amniga ee Faransiiska ayaa baadi-goob weyn ugu jira nin geystay fuliyay weerar ka dhacay magaalada Strasbourg habeenkii Arbacada soo galeysay.

Ninkan ayaa rasaas ku furay dad ku sugnaa goob suuq ah, wuxuuna dilay ugu yaraan 2 qof,  isagoo kadib goobtaasi iska horimaad kula galay ciidamada amniga. Cherif Chekatt oo ah 29 jir muslim ah ayaa la sheegay in uu ku dhashay magaalada Strasbourg, ninkani ayaa la sheegay in uu goobta ka baxsaday isagoo dhaawac ah.

Booliiska ayaa sheegay in ninkan uu horey uga mid ahaan jiray kooxaha budhcada ah isla markaana horey marar badan loogu xidhay danbiyo oo uu ka galay gudaha wadamada France, Germany iyo Switzerland.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay