Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki oo kulamo wadatashi ah ku yeeshay Villa Soomaaliya ayaa ku heshiiyey in la xoojiyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal.

Labada Madaxweyne ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la ballaadhiyo iskaashiga ku aaddan arrimaha ganacsiga, maalgashiga iyo xidhiidhka tooska ah ee labada shacab ee Soomaaliya iyo Ereteriya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyey dhiggiisa dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki booqashadan taariikhiga ah ee uu ku yimid Soomaaliya iyo sida wanaagsan ee uu u ajiibay martiqaadkii rasmiga ahaa ee uu u fidiyey.

Dhanka kale Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta diirran ee ay u fidiyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna adkeeyey muhiimadda uu leeyahay xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada shacab ee walaalaha ah.

Labada Madaxweyne ayaa ku heshiiyey in ay sii wadaan abuuridda iskaashi xooggan oo dan u ah labada waddan iyo guud ahaan gobolka Geeska Africa.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay