Waxaa magaalada Melbourne ee dalka Australia ka dhacay shir ay lahaayeen Jaaliyada Democratic Republic Of Congo Shirkaas oo lagaga hadalaayey dhibaatooyinka lagu hayo dumarka wadanka Congo ayaa waxaa ka qayeb galay Xubno ka tirsan Ururada Bulshada Ogaadeeniya oo ay kamid ahaayeen Marwo Luul Ibraahin iyo Marwo Hani Maxamed iyadoo halkaas ay gaadhsiiyeen fariin muhiim aha dadweynihii shirkaas ka soo qayebgalay.

Waxaa xubnaha shirka ka qayebgalay ay la kulmeen Xubno muhiim ah oo shirka joogay waxaan kamid ahaa gudoomiyaha Africa United Organisation waxay ooga warbixiyeen dhibaatooyinka iyo tacadiyada dumarka Ogaadeeniya lagu hayo sidoo kalena waxay goobta kula kulmeen Gudoomiyaha jaaliyada reer Congo ee Melbourne iyo waliba qoraa u dhashay wadanka Congo oo wax badan ka qorey dhibaatooyinka dumarka afrika lagu hayo.

Markii ay dhagaysteen fahfaahintii laga bixiyey dhibaatada lagu hayo soomaalida reer Ogaadeeniya siiba dumarka waxay mas’uuliyiintaasi ka dhawaajiyeen in gacmaha la is qabsado ka afrikaan ahaan dadka dhibka lagu hayana loo istaago sida Congo iyo Ogaadeeniya.

Xubnaha Ururada Bulshada Ogaadeeniya ayaa shirka ka qayebiyey qoraal ka hadalay Tacadiyada dumarka Soomaalida Ogaadeeniya lagu hayo kaas oo aad u soo jiitay dadkii shirka joogay ayna ku noqotay layaab in ay arkaan dhibaatooyin ayna waligood maqlin oo ka jiro geeska Afrika.

Jaaliyada reer Congo iyo mas’uuliyiinta ururada Bulshada Ogaadeeniya ee kulanka ka qayebgalay ayaa aad u soo dhaweeyey waxayna is waydaarsadeen balan-qaadayo iyo in shirar dhibaatooyinka iyo tacadiyada dadka Ogaadeeniya lagaga hadalayo lagu soo casuumo Jaaliyada reer Congo

ONA melboune

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay