Maraykanka oo Beeniyay In Fethullah Gulen Ay Turkiga U Gacan Galinayaan.
Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa beeniyay in Trump uu ka fikirayo in wadaadka Turkish-ka ee Fethullah Gulen uu u masaafuriyo dalka Turkiga.
Wasiirka arrimaha dibedda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa taleefishinka CNBC u sheegay in Trump uu ku war-geliyey Erdogan in Mareykanka uu ka shaqeynayo in uu masaafuriyo Gulen iyo inkale.
Gulen ayaa dibad joog ku ahaa gobolka Pennsylvania ee dalka Mareykanka. Turkiga ayaa waxa ay ku eedeeyeen Gulen inuu ka dambeeyey afgambigii dhicisoobay ee dalkaas ka dhacay 2016-kii.
Gulen ayaa beeniyey eedeymahaas, hase yeeshee Turkiga ayaa Mareykanka ka dalbaday inay usoo gacan geliyaan. Mareykanka ayaa sheegay in Turkiga ay ku guul-darreysteen inay soo bandhigaan caddeymo taageeri kara eedeymaha ka dhanka ah Gulen.
Comments are closed
Sorry, but you cannot leave a comment for this post.