Duruufaha iyo xaaladaha inagu xeeran ayaa ah markasta mid mudan inaan siino miisaanka ku haboon iyo sidii wax muuqda looga dhigi lahaa waxqabadka ku aadan xaqiijinta hawlaha ina horyaal iyadoo mudnaan lasiinayo siday u kala horeeyaan.

Waxaan ogsoonahay in markan qorigii hakad galinay, taas oo aan ka dhignayn inaan joojinay halgankeenii aan ku raadinaynay xuquuqihii ka maqnaa shacabkeena. Hab dhaqankeena dhinaca siyaasaduna waa inuu noqdaa mid leh aragti miisaaman kana baaraandaga waayaha tabaha sifo u noqon kara Addis iyo Jigjiga loolana socdaa sida ugu haboon.

Ooda jiid iyo qaadna wakhti badan galinmayno! Markastana waa inaan maanka ku haynaa tartanka nabdoon inuu yahay udub dhexaadka ku geedaaman xaaladan kala wareegi ah. La falgalka kala guurkan wuxuu u baahanyahay in lasiiyo u kuurgal iyo ka warhayn joogta ah, halka iyo meesha ku haboona laga jaro usha!

Dadkeena aan matalno waa inaan u sheegnaa jidka loo maro hanashada guusha si xikmadaysan. Qalinku wuxuu ka duwanaan karaa meelo dhawr ah, balse wuxuu u baahanyahay in si salbadhaan wax loo darso daganaanshona wata kana dag-dag iyo caadifad labadaba waayahana laga runsheego.

Gododka halaq-galeenka ah markii malmal lagu shido kabtaas wuu ka huleelaa isagoon dhiman oo sirir ah!
Maalin kastana waayaheeda iyo warkeeday wadanaa, abacsanaantad jiho aad kala kulantaa sirta ku duugana aad kala soo dhex-baxdaa.

Hanashada Guushana jidka ku haboon ma aha mid la inoo tilmaami, waa mid ay ka soo maaxto dhanka Halgamayaasha qaybahooda kala duwan.

 

WQ Cabdulaahi Cabdi Ibraahim.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay