Waxaa wadanka Canada ka  howlgasha Jaaliyad balaadhan oo ka soo jeeda  asal ahaan Soomalida Ogadenia , waxayna  kamdi tahay Jaaliyadaha  ugu caansan  Wadanka  Canada  ee  ka soo  kala jeeda   shanta qaaradaha  ee dunida.

 

Wadanka Canada ayaa  waxaa ku dhaqan quruuma kala duwan una  badan wadamada yurub , Africa iyo Aasiya, dadka qaaradaha iyo wadamada  ka  soo kala jeeda  waxay leeyihiin  jaaliyado  iyo maamulo  sanad  walba  tartan iyo  amaal marin   wax qabad  ay ku siiso  dowlada  Canada.

Jaaliyada Ogadenia  ee galbeedka  Canada  gaar ahaan Edmonton  ayaa  dhowr jeer qaaday  amaal marinta  ugu sareysa  ee  la gudoonsiiyo  jaaliyadaha  kala  duwan  ee ka howlgala  wadankaasi.

Xafiiska Jaaliyada Ogadenia  ee magaalada Edmonton ayaa  abaal marino kala duwan la siiyay  iyadoo sanadkii la soo dhaafay  abaal marintaasi kamid ahay in  Calanka Ogadenia  mudo bil ah ka garab bilig leeyo xarumaha  wadanka Canada  Calanka Canada.

Sanadka 2019 ayaa  waxay Jaaliyada Ogadenia  Magaalada Edmonton dadaal xoogan ugu jirtaa  siday  mar  labaad u qaadan lahay  abaal marinta  jaaliyaadka  kala  duwan ee reer Canada.

maanta ayaa  waxaa ku lan  xiisa  badan isugu yimid  kaadarka iyo  maamulka jaaliyada  Edmonton  waxaan halkaasi lagu soo bandhigay  qodob xasaasi ah ooy kamid ahaayeen  Abaabulka, Siyaasada , Dhaqaalaha iyo in lala jaan qaado xaalada kala guurka ah  ee ka jira  wadanka Ogadenia.

Maamulka Jaaliyada  Ogadenia  ayaa xubnaha ugu warbixiyay xaaladihii ugu danbeeyay  ee jaaliyada iyo gudaha Ogadenia, sidoo kale  waxaa  shirka maanta  Jaaliyada Ogadenia ee magaalada Edmonton ka soo qeyb galay  PHD.Mahamuud ugaas oo kamid ahaa  gudiga  wadahadal ONLF iyo Ethiopia  oo halkaasi maamulka iyo kaadirka kula wadaagay xaalada Ogadenia iyo halka ay marayaan  wadahadala Ethiopia iyo ONLF.

Hoos ka daawo.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay