Qadiyada ku saabsan wadaniyadu ma aha Shaadh la xidho, balse waa aragti aaminaad xeel dheer oo koobsanaysa:-
1-Dhul iyo waxa ku Duugan, Ama Guud Saaran.
2-Bulsho iyo Aayaheeda iyo waliba horu kaceeda.

Labadaasiba arimood waxay ubaahanyihiin hogaamiyayaashii dhabta ahaa ee gudan lahaa waajibaadka iyo masuuliyada loo igmaday ayaa ah ta ka runsheegi karta in natiijo wax ku ool ah laga soo hoyiyo dhankaas.

Hubaal waxaan meesha ka maqnayn in ruux kasta masuul ka yahay naftiisa, islamarkaasina masuuliyad balaadhana ka saarantahay dadkiisa sidii ay u hanan lahaayeen yoolkooda. Markaan taas aan qeexayno kama dhigna in fara-siman la wada noqdo, waxaan ka fogaanaynaa hal ku dhaga anu hogaamiye, adna hogaamiye ayaad tahay markaa yaa jiri jaranjarooyinkii nololeed ee kala duwanaa!

Waxaan ladhacsanahay dhamaanteen inaan nolosha meel wanaagsan ka gaadhno arintaasise waxaa ka dhabeeya dad yar; waayo waxaa la isla meel dhigay inta ku guul daraysata ujeedadooda waa kuwan aan rabin inay wax ka badalaan qaab-dhaqankoodii hore, hurisna aan la iman!

Aadmuhu isagoo wanaag badan yeelan kara ayaa hadana dhaliishiisa inuu qaato iskana saxo ay lagama maarmaan tahay, waa marka tubta guusha la goobayo!

Dhamaanteen Waxay masuuliyad inaga saarantahay in aan ka shaqaynaa samaha ummadeena iyo udulqaadashada iyo waliba ka sixida khaladaadka ka imaan kara. Samirka ayaa lagu gaadhaa waxaad raadinayso, intabana waan leenahay Xaqiiq-dii Guulbaynuna maanta joognaa.

Cabdullaahi Cabdi Ibraahim

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay