Saraakiisha dalka Afqanistaan waxay sheegeen in baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku qarxay afaaafka hore ee dhismo dowladda ay ku leedahay magaalada caasimadda ah ee Kabul.

Afahayeen u hadlay Wasaaradda Arimaha Gudaha Afqanistaan ayaa sheegay in dabley hubeysan ay xoog ku galeen dhismo wasaaradeed oo ku yaalla halkaasi kaddib markii uu qaraxa dhacay halkaas oo ay rasaas isweedaarsadeen laamaha ammaanka.

Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhaawacantay weerarka balse ma kala cadda cidda ka dambeysay weerarkan. Ururka Taalibaan iyo kooxda isku magacaawday dowladda islaamka ayaa horraan weeraro dhowr ah ka fuliyay dalkaasi.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay